Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Eng Yariisoow iyo Calanka oo hoos loo dhigay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.”

“Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...