Boliiska Kenya oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen in ay ka geystaan Mandheera

Date:

Hal Qof oo ka tirsan Dadka degaanka ayaa ku dhaawacmay dagaal kooban oo dhex maray Boliiska Kenya iyo Malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo haatan lagu baxnaaninayo Isbitaalka Degmada Ceel-waaq Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Booliiska Kenya oo lagu Magacaabo, Charles Owino ayaa Maanta oo khamiis ah sheegay in ay Ciidanku dib u riixeen Koox Hubeysan oo kasoo tallowday Xadka Soomaaliya, kuwaas oo doonayay in ay qalalaase ka geystaan gudaha Kenya.

Wuxuuna Afhayeenku ku ammaanay Dadka reer Mandheera tallaabada geesinimada leh ee ay qaadeen, markii ay xog ku aaddan Aragagixisada la wadaageen Laamaha ammaanka.

Hadalka Afhayeenka ayaa yimid markii ay Koox Hubeysan isku dayday in ay weerar ku qaadaan Siddeed Shaqaale ah oo ka howl-galayay degaanka Kotulo, oo ka tirsan ismaamulka Mandheera.

Booliiska ayaa sheegay in Dableydu uu qorshahoodu ahaa in ay weerarka qaadaan 22-kii July ee Sanadkan, balse uu dib u dhacay, ka dib wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmartay Dadka degaanka  iyo Saraakiisha ammaanka.

Wuxuu Afhayeenku ugu baaqay Shacabka in ay sii wadaan la shaqeynta Saraakiisha Booliiska, si loo adkeeyo ammaanka, wuxuuna sidoo ka codsaday Dadka reer Kenya in ay feejignaadaan oo ay soo sheegaan Cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Isha/The Star

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...