Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee Geneva

Date:

Geneva( SNTV):-Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa inta badan diiradda saaray dedaalada wasaaradda iyo xukuumadda ay ku jiraan sida ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenku shaqooyin ugu heli lahaayeen gudaha dalka.

โ€œKulankan waxa uu ka tarjumayaa saamaynta ballaaran ee heyโ€™adda Shaqaalaha dunidda ee ILO ay ku yeelatay nolosha shaqaalaha dunida boqolkii sano ee la soo dhaafay.Soomaaliya hayโ€™adaheeda shaqaalaha waxa ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen in ay sharciyo iyo nidaamyo dhinaca shaqada la xiriira ka yagleelaan wadanka.Waqtiyadii adkaa ee dagaallada sokeeye iyo xasilooni daradda ,ILO waxa ay ahayd mid Soomaaliya la garab taagan taageero ,dhiira-galin iyo waliba hagid.Shirkan aynu joogno waxaan u baahan-ahay in aan qiimaynno Gap-ka u dhaxeeya rajada dadka ee ku aaddan shaqada iyo xaqiiqda runta ah ee jirta.Soomaaliya gudaheeda ,waxan ogaannay in shaqo yaraantu ay tahay waxa lagu cabiri karo gap-ka u dhaxeeyaย  xaaladda aynu ku shaqaynayn-no iyo rajadu shacabka Somaliyeed ka qabaan nolol wanaagsan.Tani maaha xaalad ku gooni ah Soomaaliya , waddamada qaar shaqadu waxa ay u tahay waddada lagu dhimo faqriga laguna gaaro horumar caalami ah.โ€ ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

โ€œMarka suโ€™aashu waxa ay noqonaysaa halkee Ayaan ka nimid sidoo kale maxaan ilaa iyo hadda xaqiijnnay. Suaaโ€™shu waxa ay ahmiyad sii yeelanaysaa marka aynu xalinno shaqa laโ€™aanta iyo sinnaan laโ€™aanta sii kordhaysa.Caqabadaha aynu maanta wajahaynno boqol sanno ka dib markii la asaasay heyโ€™adda shaqaalaha adduunka ee ILO , waxa ay noogu baaqayaan in aynu la nimaano goโ€™aamo horumarsan oo rajo galinaysa boqollaalka milyan ee shaqa laโ€™aanta ah ,taasi oo ay ku doonayaan cadaalad bulsho, taasina waa mid loo baahan-yahay in aynu aqbalno oo aynu badalno.

Dowladdeenu waxa ay soo dhaweynaysaa warbixinta ka soo baxday Hoggaanka sare ee ILO ,kaasi oo si cad u qeexaya in aynu maal-gashano awoodaha muwaadiniinteena. Waxaan kaloo u baahannahay in shaqaalaheena shaqo la isku halayn karo ay helaan.Waxaanu taageeran-sanahay dib u cusboonaysiinta arrimaha bulshada oo dhan ,kuwaasi oo ay ku jiraan asaasiyaadka horumarinta aadamaha.
Shaqaalaha waa in lagu taageero fursaddo ay ku hormarin karaan xirfadahooda. Waa in aynu si wada jir ah u dhiirra-galino ilaalinta bulshada,taasi oo u ogolaanaysa in la dhiso maamullo xilligan la joogo ku habboon shaqaale weynaha dunidda.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in ay hubiso , isla markaana diiradda saarto in ayย  shaqooyin iyo fursado dhaqaale u abuurto dhallinyarada waddanka , inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca aminga ah iyo weerarro lagu handado wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.โ€ ayuu ku daray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Waxaa kalo uu shirka ka caddeeyayย  dowladda Soomaaliya inay ka goโ€™antahay in la dhiso hiigsiyo horumarineed oo la isku halayn karo, โ€˜taasina waxa ay ku caddahay siyaasadaheena iyo sharciyada aynu maal-gashannay ee dhinaca shaqaalaynta iyo ilaalinta bulshada, kuwaasi oo gundhig u noqon doona cadaalad iyo isku duubni bulsho.โ€ ayuu yiri isagoo inta ku daray โ€œQaar kamid ah dhalinta waddankeena waa shaqo laโ€™aan ,sidoo kale ma lahan xirfadihii looga baahnaa goobaha shaqada ee maanta iyo shaqooyinka mustaqbalka soo bixi doona.Dowladdu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay si ay u horumariso una abuurto jawi hal abuur ,kaasi oo dhallinyarada shaqooyin u abuuri kara ,isla markaana la socda baahida kordhaysa ee qarnigan 21-aad.โ€

Waxaa kalo uu sheegay arrimaha oo dhan inay hoos u dhigayaan khatarta halista leh ee tahriibka ,taasi oo dhallinyaradu ku doonayaan nolol tooda dhaanta. Iyada oo la eegayo mustaqbalka waa in ay xoojin-no goโ€™aankeena ku aaddan difaacidda xuquuqda shaqaalaha.Waxaan dhamaanteen isla qaadanay in shaqo laโ€™aantu iyo faqriguย  ay taabteen boqollaal milyan oo dad ah ,kuwaasi oo kala jooga waddamo kala duwan oo daafaha dunidda ah , isla markaana dumarka iyo dhallinyaradu ay yihiin kuwa dhibta ugu badani ay ka soo gaarto.โ€ ayuu raaciyay wasiir Warfaa oo gabagabadii sheegay โ€œAan si wada jir ah uga shaqaynno sidii aynu u hirgalin lahayn Mabaadiโ€™da heyโ€™adda ILO ee ku dhisan wadda hadalka bulsho ,ilaa iyo haddana ILO waxa ay ahayd mid ku taagan u jeedkii loo asaasay 100 sanno ka hor.โ€

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madax dowladaha ayaa shirka ka qeybgalay, kaaso ku aadday sannad-guurradii boqollaal ee heyโ€™adda shaqaaha adduunka, waxaana wasiirka shaqada Soomaaliya uu shirka ka qeybgalay isagoo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale