Wasiir Bayle ” Soomaaliya Maalgashi ayay diyaar u tahay”

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu Magaalada Malabo ee dalka Equatorial uga qeyb galay shirkii Bangiga hormarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya kaa soo looga hadlay hormarinta Dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika.

Shirka kadib waxa uu la kulmay madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina waxuuna warbixin ka siiyay marxalada dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayo.

Wareysi uu Siiyay TV CNBC oo ka hadla arrimaha ganacsiga ayuu ku faahfaahiyay waxyaabaha Soomaaliya ku soo bandhigtay shirka si gaar ah fursadaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee horyaala.

“Marka koowaad waxaan u sheegnay inaan leenahay kheyraad badan waxan leenahay xeebta ugu dheer Afrika. Waxay ii sheegeen inaan haysano mid ka mid kaluunka ugu wanaagsan ee ku jira badaha, waxaan u sheegnay inaan aad qani ugu nahay saliida iyo gaaska. Soomaaliya waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee shidaal ku jiro, waan ka shaqaynaynaa dabcan, marka koowaad waa inaan xaqiijinaa amaanka, mida sadaxaad waxa weeye Soomaaliya waa ay burburtay waxwalba waxay ka bilaabanayaan meel hoose oo ay tahay in dib loo dhiso marka waxa yaala fursado badan”

Wasiir Belye waxaa uu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado albaabadeeduna ay furan yihiin.

“Diyaar beynu nahay, albaabadeenu waa ay u furan yihiin caalamka oo idil gaar ahaan ganacsatada raadinaya meel ay maalgashadaan, waa Soomaaliya halka ku haboon waayo meelaha aad magacwdeen waan haysanaa kheyraadkooda waxan ka shaqeynaynaa ammaanka iyo waxay sameynaynaa shuruucdii aan idinku soo dhaweyn laheen.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...