Duqa Muqdisho oo Xariga ka Jaray Warta Biyo-Qabadka KM4

Date:

Muqadisho (SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo-qabadka Degmada Waaberi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Warta Biyo-qabadka KM4 ay kamid tahay meelaha ugu badan ee biyuhu fariistaan iskagana gudbaan Caasimadda, isla markaana uu Maamulkiisu xoogga saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha xili roobaad oo goobtan dhiga biyo fara badan oo saameeya dadka iyo deegaanka ka ag-dhow.

“Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa isku howllay howlgelinta xarumo muhiim ah oo biyo qabadka Caasimadda saldhig u ahaa, gaar ahaan Degmada Waaberi, agagaarka N4 waxay kamid tahay meelaha ay saameynta ballaaran ku yeeshaan roobabka, waad la socotaan in xiliga roobka uu xirmo jidka Garooonka”.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax-ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xiliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan, maadaama dayactiro lagu sameeyo goobo badan oo saldhigan jireen biyuhu.

“Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubooyin qaada biyaha roobka iyo tubooyin bixiya wasakhda (Sewage). Qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan. Si walba ha ahaatee, xilli roobaad kasta waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay, Jidadka waaweyn oo qaarkood burbura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno in waqtiga dhow xal loo helo”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-u-helidda dhibaatada ay ku hayaan daadadka roobka ee burburiya waddooyinka iyo isku socodka magaalada. Waxuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya Fayo dhowrka Caasimadda.

Munaasabadda xariga looga jarayay Biyo-qabadka Degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maaliyadda, Howllaha Guud , Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo masuuliyii kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...