Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sareย  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo uga qeyb galayo shirka wadatashiga ee Wasaaraddaha Waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhammeystiran.

โ€œMaanta waxaan soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo aan uga qeyb gali doono shirka wadatashiga ee u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda,Hiddahaย  iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka, shirkan ayaa diirada ku saari doonaaย  horumarinta waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.โ€ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

โ€œWaxaan si gaar ah ugu mahad celinaaย  madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galintii shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliyaย  iyoย  kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalkaโ€ayuu intaasi ku daray Mudane Goodax.

Shirkan ka furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doona muddo afar maalmood ah kaasoo lagu gorfeyn doono arrimaha waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale