Gaalkacyo (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Saraakiisha Booliska ee gobolkaasi ka howlgala.
Taliyaha ayaa kormeeray Xarumaha iyo Fadhiyada Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu kulan la qaatay Saraakiisha sare ee Ciidanka.
Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha booliiska labada maamul ee Puntland iyo Galmudug uu yahay mid qeyb ka ah dadaalada loogu jiro in la helo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta ciidamada booliiska soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, maadaama haddii la helo wada shaqeyn joogto ay qeyb ka qaadaneeyso yareynta falal danbiyeedyada ka dhaca Dalka.
Wafdiga uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa muddooyinkii u danbeeyay howlo shaqo oo ku aadan u kuur galida shaqada ciidanka Booliska iyo ka war doonista baahiyada Ciidanka booliiska ku marayay deegaano ka tirsan Dawlad Gobaleedka Puntland.