Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo daahfuray shirka xal u helidda Barakacayaasha Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta daah-furay shirka waaxda xal u helidda barakacayaasha Gobolka Banaadir.

Kulanka oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dhammaan dhibaatooyinka calaamadda ku ah horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiillo ka socda Qaramada midoobay iyo hay’adaha sama-falka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kulanka furay ayaa sheegay in 2.6 Milyan oo Soomaali ah loo aqoonsan yahay in ay barakacayaal yahay, halka Hal Milyad Dad ka badanna ay daafaha Caalamka ku yihiin Qaxooti, isagoo tilmaamay in Nus Malyuun Qofna ay ku nool yihiin Magaalada Muqdisho.

Sababta ugu badan ee keenta Qaxa iyo barakaca ayuu ku tilmaamay, dagaallada sokeeye, fatahaadaha , duufaannada iyo abaaraha, kuwaas oo keena nabaad guur iyo is-beddel ku dhaca Cimmilada, Xoolahana ku qasba in ay nolol u soo raadsadaan Magaalooyinka.

Mudane, Khadar, ayaa faray hay’adaha Caalamka, maamul Goboleedyada iyo wasaaradaha ay khuseyso in laga fekero sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa Barakacayaasha Gobolka Banaadir iyadoo Alle la kaashanaya.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay ahmiyad weyn siisay xal u helista barakacayaasha, taas oo qeyb ka ah Tubta siyaasadda loo dhan yahay ee arrimaha Bulshada,wuxuuna ku micneeyay in Dadka kasoo hayaamay degaannadoodii hore ay qeyb ka yihiin Bulshada inteeda kale.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in barakacayaashu ay xaqna u leeyihiin in ay helaan ,amni, xuquuq, Nolol, Hooy iyo Hu’, wuxuuna sheegay in ay Dowladdu ay heegan u tahay sidii wax loogu qaban lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...