ku dhawaad 200 oo Tahriibayaal Soomaali ay kujirto oo lagu qabtay Turkey

Date:

Turkey (SNTV) Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Turkiga ee ANADOLU, Hay’adaha ammaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 178 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo la sheegay in si sharci daro ah ay ku galeen dalkaas.

Dadkan la qabtay ayaa isugu jira muhaajiriin u kala dhalatay wadamada Soomaaliya,Pakistan iyo dalka Afganistaan,waxaana lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen wadaooyinka isaga kala goosha degmooyinka Uzunkopru iyo Enez ee gobolka Edirne ee dhaca Waqooyiga dalkaasi Turkiga

Saraakiil diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta sababao la xiriira xadidaad lagu sameeyey in ay la hadlaan warbaahinta ayaa xaqiijiyay in 4 kamid ah dadkii wax tahriibinayay la xiray.

Sidoo kale howlgal ka dhacay gobolka dhinaca Waqooyi kuyaala ee Canakkale waxaa lagu qabtay ilaa 14 qof,waxaa 6 kamid ah ay ahaayeen caruur,waana la xiray,Gobolka kale ee Balikesir waxaa lagu qabtay ilaa 43 qof xili ay saarnaayeen doon kuna sii jeeday dalka Gariigga,kuwaasi oo ay qabteen ciidamada ilaalada Xeebaha dalkaasi Turkiga.

Wakaaladda ANADOLU ayaa sidoo kale sheegaysaa in ilaa 30 qof oo kale oo dhamaantoodi ay yihiin Siriyaan lagu qabtay magaalada Altinozu ee gobolka Hatay,waxayna ka yimaadeen dalka Syria,si ay u galaan dalkaasi Turkiga.

Dalka TUrkiga ayaa marin u noqday muhaajiriin badanm tan iyo 2011 bilowgii colaadda dalka deriska la ah ee Syria,waxaa lagu qabtay dalkaasi dad gaaraya ilaa 265,000 oo muhaajiriin ah sanadkii 2018,sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...