Golaha Aqalka sare oo maanta ka dooday Hindise-sharciyeedka la dagaalanka Masuq-maasuqa

Date:

Muqdisho (SNTV):- Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista iyo su’aalo weydiin Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq- maasuqa,waxaana goojoog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada oo aragtidooda ka dhiibtay hindise-Sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa sheegay in qodobada qaar muhiim tahay in wax ka badel lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta ,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise-sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka ah ee senatarada soo jeedinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanaya guddiga laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...