Shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Jaaliyadda Koonfur Afrika oo maanta ka qeyb galay Ololaha Is-xilqaan

Date:

Muqdisho December 2 (SNTV):-Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo dhalinyarada Gobolka Banaadir oo ay wehlinayaan Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa maanta qeyb ka qaatay Ololaha is-xilqaan oo dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha muhiimka ah sida Tiyaatarka Qaranka,Maktabadda Qaranka iyo Madxafka Qaranka.

Jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay Jaaliyaddii ugu horeysay ee nasiib u yeelata iney ka qeyb gasho Barnaamijka is-xilqaan ee la doonayo in dib loogu dhiso xarumaha taariikhiga ah ee ku bur-buray dagaaladii sokeeye.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cismaan Cilmi Guuleed oo isaga iyo shaqaalaha Xafiiskiisa ay ka howlgaleen Maktabadda Qaranka ayaa Bulshada Soomaaliyeed ku guubaabiyay iney is-xilqaan ku dhistaan dalkooda,isagoona carabka ku dhuftay in dalkan lagu soo dhisay barnaamijkii iskaa wax u qabso.

Maryam Aadan Amiin oo ah isku-duwana shaqada is-xilqaan ayaa si aad ah ugu mahad celisay shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo si weyn uga qeyb qaatay Olalaha is-xilqaan ee dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha muhiimka ah ee dalka,waxayna ku boorisay shacabka Soomaaliyeed iney si hagar la’aan ah Barnaamijka is-xilqaan oo horay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u iclaamiyay uga qeyb qaataan.

Ololaha Isxilqaan oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS ayaa ah mid looga go’leeyahay in ummudda Soomaaliyeed ay gacmahooda ku dhistaan dalkooda oo kasoo kabanaayo marxalad bur-bur ah islamarkaana aan lagu tashanin gacan shisheeye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...