War-saxaafadeed:-Howlgal lagu Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay G/Mudug.

Date:

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helay Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorshaysan Ka fuliyay fariisimo Alshabaab Ku lahaayeen Gobolka Mudug.

Hawlgalkaan oo dhacay saaka waabarigii ayaa Daba socday weerar kale oo isla shalay Ka dhacay isla nawaaxigas.

Goobta uu hawlgalku Ka dhacay waxeey Ka tirsantahay Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Alshabaab ayaa saldhigaan Ka abaabulayay Weeraro Ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed waxaana loo gaystay waxyeelo baahsan oo lagu Kala dhantaal qorshahooda gurracan.

Weerarkaan waxaa Ku dhafwaayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan shabaab mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Tani waxeey muujinaysaa sida Ciidamada Qaranku awood ugu leeyihiin in ay Ku beegsadaan shabaab goob kasta oo ay Ku suganyihiin iyo sida kooxdu ay ugu nugushahay in talaabo looga qaado goobkasta oo Ka Ku dhuumaalaysanayaan.

Dawladda soomaaliya waxaa Ka go’an in ay Ka hor istaagto argagixisada in ay waxyeeleeyaan Bulshada Soomaaliyeed waana taas sababta loo joogtaynayo hawlgalada nuucaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...