Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Kooxda Daacish

Date:

Muqdisho (SNTV)- War qoraal ah oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 19-ka November 2018 Ciidamada amniga  magaalada Muqdisho ay kasoo qabteen xubno Kooxda ka tirsan ISIS.

Xubnahaan ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo Ciidanka Hay’adda NISA ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Muqdisho.

Howlgalkaan qorsheysan ayaa si taxadar leh oo Qofna wax ku noqon u fulay sida lagu sheegay Qoraalka Hay’adda NISA ay soo saartay.

“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah, Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay,  Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena” sidaasi ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka.

Soo qabashada xubnahaan ka tirsan Argagixisada Daacish ayaa kala Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...