Madaxweyne Farmaajo iyo RW Conte oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga

Date:

Rome, Nofeembar 20, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...