Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeer Amniga la xiriira ku sameeyey Xaafadaha Degmada Heliwaa

Date:

Muqdisho (SNTV) Kormeerkan dhanka Amniga la xiriira ayaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir uu ku sameeyey xaafadaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaa ku wehliyay Xildhibaan Ikraan Yuuusf Xirsi oo ka tirsan Golaha Shacabka, guddoomiyaha degmada Heliwaa iyo saraakiisha ciidamada amaanka.

Mas’uuliyiintan oo socdaal dhanka lugta ah xili habeen ah ka bilaabay xarunta degmada Heliwaa ayaa socd dheer oo muddo qaatay ku maray xaafadaha Suuqyada iyto xarumaha ciidamada ay ku suganyihiin, waxaana kmaid ah meelaha ay tageen,Xero Maslax oo salaada Maqrib ay ku Tugadeen, Baar Johwar, Shaneemo Cabdiwaayeel iyo Suuaqa degmada Heliwaa,

Mudane Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa intii kormeerka lagu jira ciidamada iyo saraakiisha ka xogwareysanayay baahiyahooda, isagoo ku dhiiro gelinayay dardar gelinta howlaha nabadgeliyada.

Guddoomiyaha degmqada Heliwaa C/xakiin Cumar Jacfaan ayaa ku Mudane Tuulax sida uu ugu kormeerayo mas’uuliyada ka saaran amniga.

“Farxad ayey inoo tahay in markii labaad aad noo imaato inagoo kujirna kormeerkeena amniga, waxaana runtii farxad ah inaad marqaati ka aheyd sidii shacabku ay inoola shaqeynayeen”ayuu yiri Mudane C/xakiin Cumar Jacfaan.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskashanaya ay ku guuleysteen xoojinta amniga iyo horumarka.

“Waxaan soo aragnay in maamulka uu shaqeynayo, waaxyaha degmada ay wada shaqeynayaan, waxaan aragnay shacab heysta maamul ay ku qanacsanyihiin iyo amni dhameystiran”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Tan iyo markii ciidamada cusub lagu xoojiyay amniga Muqdisho waxaa la dareemayay isbedelo muuqda, waxaana Mudane Tuulax uu sheegay in shacabka iyo maamulada looga baahanyahay in ay xajistaan Amnigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...