Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Muqdisho, Oktoobar 28, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS C/nuur Maxamed Axmed ayaa SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu lasoo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.

Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...