Ka Qaybgalayaasha Shirka Iskaashiga Islaamka oo qiray Horumarka Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan oo ay Soomaaliya martigalisay, iyadoo la raacayo qaraaradii ka soo baxay shirarkii kan ka horeeyay ee 44-aad iyo 45-aad ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo Dhaka, ee Wadanka Bangladesh.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray ama Ajandayaasha Shirkaasi looga hadlay ka mid ahaa in Soomaaliya gacan laga siiyo arrimha ay ka mid yihiin dhinica Dib u hishiisiinta, Doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomaan Dalka sanadka 2020-ka, dib u dhiska dalaka ,cafinta daymanka,maadaama Dowladaha daymaha ku leh Soomaaliya ay ugu horeeyaan xubno ka mid ah Ururka Golaha Iskaashiga Islaamka, sidii Soomaaliya looga caawin lahaa amniga iyo soo celinta kala dambeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladnimada.

Madashaan iyo ahmiyadda uu u leeyahay Soomaaliya ayaa waxay tahay in caalamku uu daawanayo muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Isaamka O.I.C waxaa la la aas-aasay sanadku markuu ahaa 2007-dii, iyadoo muhiimadda loo unkay ay tahay, si ay ula socdaan arrimaha Soomaaliya,  kulamada kooxdaan ayaa waxaa markii hore lagu qaban jiray Magaalada New york ee xarunta Qaramada midoobay,balse sanadkan dadaal ay samaysay Dowladda Soomaaliya  ayaa waxaa lagu guuleystay in lagu qabto  caasimadda Muqdisho.

Golaha Iskaashiga Islaamka waxaa hadda hoggaamisa Dowladda Qadar, taaso la og yahay in kaalin fiican ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, islmarkaana ay ka waddo mashaariic horumareed, gacan walaaltinimana ka gaysato arrimaha amniga.

Ururka Golaha Islaamka waxaa la aas-aasay sanadkii 1969-kii, Soomaaliyana qeyb ayay ka aheyd aas-aaskiisa, shirkii ugu horreeyay ama fikraddeeda lahaa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in shirkii ugu horreeyay ee Ururka Golaha Islaamka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedada ugu weyn ay aheyd in lagu mideeyo Wadamada Islaamka, sidoo kale in loogu gurmado Wadamada Islaamka, gaar ahaan xaaladda Qudus, laguna badbaadiyo kuwa danyarta ah, waana Ururka ugu wayn dunida marka laga reebo Ururka Qaramada Midoobay.

Shirkaan oo socday muddo hal maalin ah ayna ka qaybgaleen 11 dowladood oo ka mid ah 14ka xubnood ee ay ka kooban tahay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga islaamka O.I.C ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 20 qodob oo aad diiradda loogu saaray xaaladda Soomaaliya, waxaana qodobada  ugu muhiimsan ee warmurtiyeedka faahfaahiyay Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya  Danjire Axmed Ciise Cawad.

Danjire Axmed Ciise Cawad oo waraysi siiyay laanta afka soomaaliga VOAda ayaa faahfaahin ka bixiyay Qodobada ugu muhiimsan eeka soo baxay shirka magaalada Muqdisho ay ku yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga islaamka O.I.C, wuxuuna xusay in qodobada ugu muhiimsanaa ee shirk aka soo baxay ay ka mid ahaayeen qiridda ka qaybgalayaasha ay qireen horumarka dhan walba ah oo ay soomaaliya samaysay sida uu qudbadiisa furitaanka ku xusay Ra’iisalwasaaraha dalka Md. Xasan Cali Khayre, wxayna ka qaybgalayaasha shirka aad ula yaabeen isbadalka dhanka horumarka ay  soomaaliya ku talaabsatay taasi oo ay indhahooda ku arkeen mudada kooban oo ay dalka joogeen,waxayna caalamaka ugu baaqeen c in soomaaliya laaga taageero dhamaystirka dhismaha hayadaha dowladnimo

War murtiyeedka  shirka waxaa  loogu mahad celiyay wadamada  Soomaaliya garab istaagay haddii ay yihiin kuwa shirka ka qaybgalaya iyo haddii ay  yihiin bulshawaynta  caalamaka,  dhanka kale shirku wuxuu taageeray Qorshaha dhanka amniga  xilliga kala guurka ee ciidamada Soomaaliya kula wareegayaan Sugitaanka Amniga dalkooda, waxayna  canbaarayn u soo jeediyeen aragagixisada noocyaseeda kala duwan

W:D. Gobdoon

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...