Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya

Date:

Muqdisho September 29 (SNTV):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Kulanka ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyo  iskaashiga dhanka waxbarashada, waxana kulanka goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Yuusuf Xassan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida markasta ay u garab tagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada.

“Waxaan kulan sagootin ah ugu sameeyay  danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya  Ambasador. Maxamed Yuusuf Ibraahim, waxaan ka wada hadalnay, xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dalka, dowladda Suudaan waxay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho siiya dalkeenna, hadda waxaa jaamacadaha Suudaan wax ka dhigta ardey badan oo Soomaaliyeed”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa guul u rajeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim, isagoo bogaadiyay hawshii uu dalka ka qabtay mudadii uu joogay.

Ambasador Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in dowladda Suudaan ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinaya dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay, waxaan u mahad celinaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa wasaaradda waxbarashada, oo si wanaagsan aan u soo wada shaqeynay”ayuu yiri danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul  oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...