Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq

Date:

Muqdisho September 29 (SNTV):- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Marka ay Taariikhdu aheyd 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haysto eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane.

Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, iyadoo ay ka soo qeyb galeen xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur, waxayna Maxkamddu intaa kadib guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heysta eedaysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa u akhriyay eedda loo haysto eedaysanayaasha oo uu goob joog ahaa Daahir Maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista ee soo socata inta ka harsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....