Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo gaaray magaalada Garoowe.

Date:

Garoowe (SNTV) Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Guddiga xalinta qilaafaadka u xilsaareen Aqalka sare Dhinaca Puntland Sanatar C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo halkaasi uga sii horeeyay.

Xubnaha Aqalka sare ee gaaray magaalada Garoowe maanta waxaa kamid ah

  1. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”
  2. Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)
  3. Sen. Siciido Xasan Cusmaan
  4. Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
  5. Sen. Cusmaan Axmed Macow
  6. Sen. Mustaf Maxamed Qodax
  7. Sen. Bootaan Barre Samatar
  8. Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
  9. Sen. Farxaan Cali Xuseen
  10. Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan
  11. Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf
  12. Sen. Shukri Adam Maxamed

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...