Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo ay kamid ahaayeen sariiro loogu talo galay Maxaabiista iyo gaari Ambalaas ah, si ay adeeg caafimaad oo dhameystiran u helaan maxaabiista Soomaaliyeed.

Dr Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo ah Dhaqtar Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka ayaa maanta qalabkan  caafimaad iyo gaari Ambalaas ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si loogu adeego Maxaabiista kujira Xabsiga dhaxe ee Xamar.

Qalabkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah agab loogu talo galay Caruurta Agoonta ah ee kujira Xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Kadare iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyey Muwaadinka Soomaaliyeed ee maxaabiista soo gaarsiiyey qalabka, waxaana uu ku baaqay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay talaabadaan oo kale.

Dr.  Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxuu bogadiyay hormarka ka socda Xabsiga Dhaxe ee Xamar waxaana uu sheegay in uu sii laba jibaari doono taageerada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo haya howl dalka muhiim u ah.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku dadaalaya sidii nolol iyo waxbarasho fiican ay u heli lahaayeen maxaabiista, iyadoo iminka ay jiraan wax soo saar ay sameeyeen maxaabiista, gaar ahaana qalab ay soo saareen iyagoo adeegsanaya Warshad laga hirgeliyey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...