Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dhagax dhigay Xabsi cusub

Date:

Muqdisho(SNTV);– Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”  ayaa waxay maanta dhagax dhigeen Xabsi cusub oo lagu soo kordhiyay Xabsiga dhexe ee Xamar si loogu kala yareeyo culeyska Maxaabiista.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xabsiga dhexe ee Xamar gaar ahaan Warshadaha soo saaraya qalab xafiisyeedka iyo kuwa guryaha,waxaana xilligaasi ka howlgalayay Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marka hore ay ku faraxsan yihiin in Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “ Ameeriko ku soo booqdaan Xabsiga dhexe ee Xamar,wuxuna carabka ku dhuftay in Guddoomiyuhu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo ku soo biiri doono Xabsiyada dalka,kaasi oo culeyska Maxaabiista ka yareyn doona Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wuxuu sheegay Bashiir Maxamed Jaamac in arrintaan ay sahleyso in Maxaabiista Xabsiga dhexe ay ka baxaan ciriirigii ay ku jireenn horayna baahidooda wax badan looga qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay dhagax dhiga Xabsiga cusub ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Xabsiga cusub ay tahay inuu Culeyska ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

“ Ujeedada ugu weyn ee Xabsigan laga leeyahay waxaa weeye in culeyska uu ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar in dadka Xabsiga ku jira ay helaan qolal baaxad leh oo nadaafadiisana wanaagsan tahay iyo meelo ay wax ku bartaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ayaa bogaadiyay kuna tilmaamay iney tahay wax lagu farxo in boqolkiiba lixdan dadka waxa dhisaya ay yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,keliyana la siiyay qalabkii Xabsiga lagu dhisayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...