Wasiirka Amniga XFS oo booqday Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay Garoowe

Date:

Garowe(SNTV);- Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abukar Islow  ayaa booqday xarunta laanta 6-aad Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgasha magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa kormeer ku soo sameeyay dhammaan xafiisyada ay Hay’addu ku shaqeyso, isla markaana warbixin ka dhageystay agaasimaha laanta 6-aad ee Hay’adda Maxamed Faarax Qanbi iyo saraakiisha kale ee ka howlgasha Laanta 6aad.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ku booriyay saraakiisha Hay’adda ee ka howlgasha laanta 6-aad ee deeganada Puntland shaqada wanaagsan oo ay qaranka u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay in si hufan loogu adeego bulshada Soomaliyeed.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Xafiisyo waxay ku leedahay inta badan Gobolladda dalka,kuwaasi oo Shacabka Soomalaiyeed u fududeynaya helida adeegyada Baasaboorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...