Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Gudoonka Barlamaanka oo manta isdiiwangalinaya

Date:

Baarlamaanka Soomaaliya maanta oo isniin ah waxaa bilaabanaya is diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri tallaado ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM sida lagu sheegay warqadda ay soo saareen Guddiga qaban qaabada doorashada.

Sidoo kale,Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kullankooda 2-aad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay soo saareen Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 30-ka bishan April 2018-ka.

25 ilaa iyo 26-ka bisha April ayaa loo qoondeeyay hadal jeedinta musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ka horjeedinayaan Xildhibanaada Golaha Shacabka.

27 ilaa iyo 29-ka waxaa jira Diyaargarow iyo is xog wareysi ay sameynayaan Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku aadan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu danbeyntii Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray musharaxiinta u tartaramaya xilkan kana mid Golaha Wasiirada in Guddiga qaban qaabada u keenaan cadeyn ku xusan iscasilaadiisa markii uu is diiwaangelinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...