Gudiyada Dastuurka dalka oo warmurtiyeed soo saaray

Date:

Madasha gudiyada dastuurka ee baarlamaanada  heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed waxaana ka soo qayb galay siihayaha gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka soomaaliya ahna ku xigeenka kowaad ee barlamaanka abdiwali sheekh ibraahim.

Maxamuud Maxamed Ibraahin Goodir oo ah xubin ka tirsan gudiga la socodka dastuurka ayaa madasha ka aqriyay war murtiyeedka kulankii labada maalmood u socday gudiyada.

Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid oo ah mudane ka tirsan Aqalka sare ahna gudoomiyaha gudiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka Barlamaanka Federalka Soomaliya, gudoonada labada aqal baarlamaanka fedraalka soomaaliya, dowlad goboleedyada, ganacsatada ayaa shacabka ka codsaday in ay garab ku siiyaan dib u eegista dastuurka

siihayaha gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka soomaaliya ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee barlamaanka soomaliya  Cabdiwali ibraahim sheeq muudey ayaa ka mahadceliyay howsha la qabtay isagoo dhinaca kalena kula dar daarmay inay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka

Toddobo xubnood oo ka kala socda gudiyada dastuurka dowlad goboleedyada,gudiga madaxa banaan ee hirgalinta dastuurka, gudiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka BFS iyo gudoomiyayaasha baarlamaanada dowlad goboleedka ayaa  Madasha ku kala saxiixday  sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen dib u eegista dastuurka oo u baahan dhameystir in lagu sameeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...