Soomaalida ku xir-xiran xabsiyada Maraykanka oo xaaladdooda laga soo deyrinaya

Date:

Waxaa xaaladdooda guud laga soo dayrinayaa 60 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xir-xiran Xabsiyo ku yaalla Gobolka Taxes ee Dalka Maraykanka.

Qareen dhanka socdaalka ah oo lagu Magacaabo Jonathan Ryan, oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dacwadaha 80 Qof oo Afrikaan ah oo intooda badani ay yihiin Soomaali.

Dadkan oo isugu jira kuwo laga qab-qabtay gudaha Dalka Maraykanka iyo qaar dhawaan laga soo celiyay Dalka Senegaal ayuu sheegay inay ku nool yihiin xaalado xun, isla markaana tacaddiyo loogu geysto Xabsiyada dhexdooda.

Qareen Jonathan Ryan, ayaa sheegay in ilaalada Xabsiyadu ay Dadkaasi kula kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha, sida Jir dil, garaacis, Af legaaddo iyo gabbood fallo kale.

“Intii Dadkani lagu hayay xarumahan waxaa la marsiiyay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, oo isugu jira Gacan ka hadal, jebin iyo xad gudubyo kale, waxaa kaloo loo geystay cadaadis ah inaan loo oggolaanin isticmaalka Musqulaha, waxaa loo diiday iney isticmaalaan Dawo, qaarkoodna waxaa la geliyay Qolal Masas leh, waxaa kalooy ku sameeyeen cabsi gelin Hub loo adeegsaday, ayuu yiri Qareenku.

Qareenka ayaa sheegay  in Lixdankan Qof ee Soomaalida ah ay isugu jiraan kuwiii horay loogu qaadi jiray Soomaaliya ee Afrika laga soo celiyay iyo kuwo dhawaan la qabtay, waxaana dhowr jeer Dadkani lagu wareejiyay xabsiyo kala duwan, iyadoo ay Dadkani halkaasi ku jiraan muddooyin kala duwan oo u dhexeeya 6 illaa 18 Bilood.

Dadkan oo u badan Dhallin yaro horay ugu noolayd gudaha Maraykanka iyo kuwa doonaya iney ku galaan si aan waafaqsanayn shrciga Dalkaasi ayaa waxay laamaha ammaanka kala kulmaan cadaadis iyo xad gudubyo ka dhan ah Aadanaha, iyadoo madaxweyne Donald Trup uu adkeeyay sharciyadii ka yiillay gelista Dalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...