Wasiir Axmed Ciise Cawad Oo Ballanqaaday Inuu Horumarinayo Wasaaradda Loo Magacaabay.

Date:

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradda Wasiirkii hore H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayaa sheegay in uu dadaal u gali doono sidii loo horumarin lahaa howlaha wasaarddau ay u qabato bulshada.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu horumarinayo Wasaaradda , dalka iyo dadkana ugu adeeggi doono si ay ku jirto nafhurid iyo daacadnimo.

Hadalkani ayuu ka jeediayay Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Eng. Mahdi Ahmed Guled, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha H.E. Mr. Abdullahi Hamud, Xildhibaanno ka kala tirsan Aqalka hoose iyo Aqalka sare, Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mr. Khaled Omar Ali, Saraakiil amni, Danjireyaal, Diblomaasiyiin, Agaasimeyayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed ayuu ku tilmaamay Wasiirka cusub ee uu xilka ku wareejinayay saaxiib ay wadashaqeyn dhow ay kala dhexeysay, kana tirsan bahda Arrimaha Dibadda, waxaanu u rajeeyay inuu guullo ka gaaro howlaha qaran ee loo igmaday.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa xusay in dadaallo ballaaran oo uu sameeyay iyo talo jeedinno uu bixiyay oo ku saabsan fulinta sharciga shaqaallaha dibadda ay noqdeen kuwa aan wax ka soo qaad lahayn, waxaanu Wasiirka cusub kula dardaarmay in si loo helo kaadir diblomaasi oo tayo iyo aragti dheer leh la tixgeliyo dadka ehelka u ah howlaha diblomaasiyadda, dibna loo eego tirada shaqaalaha iyo howlaha shaqo ee loo baahan yahay si ay isku dhigmaan.

Danjire Yuusuf Garaad ayaa hadalkiisa waxa uu intaa sii raaciyay muhiimadda ay leedahay in tiro ku dhow 50 dal lala furo xiriir diblomaasiyadeed, iyada oo la balaarinayo matalaadda safiirrada hadda shaqeeya oo ka wakiil noqonaya dalal kale oo la ood wadaag ah dalka ay sida rasmiga ah u degan yihiin.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku sifeeyay diblomaasiga mid aan ka shaqa yareyn askariga hubeysan ee damaacinaya inuu dalaco, gaaro darajada Sarreeye Guud, halka diblomaasigu ku shaqeeyo qalin iyo maskax la tuujiyay, kuna dadaalo sidii uu ku gaari lahaa darajada Safiir, isaga oo xusay in socdaallo miradhal noqday oo uu ku kala tagay wadamada India iyo Seychelles ay horseedeen siideysmada iyo u doodidda muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad badeednimo.

Dhankiisa, Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ammaannay dhiirannaanta Wasiirkii hore Danjire Yuusuf Garaad, oo uu ku tilmaamay mas’uul u diyaar ah inuu u adeeggo dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xusay inuu latashiyo la sameyn doono, kana faa’ideysan doono khibraddiisa iyo waaya-aragnimadiisa.

Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Axmed Guuleed, oo sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya uu sii hanaqaadday, lagana rajeynayo Wasiirka cusub inuu dardargeliyo jiheynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo ka guul keeniddeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...