Labada Kuuriya Oo Markii Ugu Horreysay Kulmay.

Date:

 

Markii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ayaa wadamada Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed billaabay wadahadallo heer sare ah, kuwaasi oo looga hadlayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal oo horey u burburay,iyadoo kulankaasi uu ka dhacay deegaan ku yaala xadka labada Dal ay wadaagaan oo lagu magacaabo Panmunjom.
Ujeedka ugu weyn ee Wadahadalladan ayaa salka kuhaya macquulnimada sidii Kuuriyada Waqooyi ay uga qaybqaadan lahayd ciyaaraha Olimbigga ee xilaga qaboobaha ee 2018ka, kaas oo bisha labaad ka dhici doona Kuuriyada Waqooyi,waxaana arrintaasi ay soo dedejisay wadahadalo toos ah oo dhexmaray labada dal.
War ka soo baxay Dhanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in la isla soo hadal qaadi doono dib u soo noolaynta xiriirkii dhinaca Diblomaasiyadda ee ka dhexeeyaya labada Dal,kaasi oo in muddo ah meeshu ka maqnaa.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer,wixii xiligaasi ka dambeeyeyna majirin wada hadalo toos ah oo dhexmara labada Dal oo dersi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...