Madaxweynaha Soomaaliya Oo Socdaal Dhanka Dhulka Ah Ku Marayo Gobolada Bari.

Date:

Markii ugu horeeysay, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku maraya Safarkii ugu dheeraa oo dhinaca dhulka ah deegaano ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, goobaha uu ku maraayo safarada dhulka ah ayaa waxaa ka mid ah deegaano ka mid ah Dowlad Gobeoleedka Puntland, waxaana la filayaa in dhowr magaalo uu ku maro socdaal dhanka dhulka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safarkiisan uu ku marayo deegaanada Puntland salka uu ku hayaa u kuurgelid xaaladda ka jirta deegaanada Puntland.

Sida lagu helayo waar hor dhac oo soo gaaraya SNTV ayaa waxay tibaaxayaan in magaalooyinka uu booqnayo ay ka socdaan dhaqdhaqaayo xooggan oo lagu soo dhoeynayo madaxweynaha, deegaanadaasi ayaa waxaa ka mid ah Magaaada Qardho, Waaciye, Carmo ilaa Boosaaso oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Bari.

Safarkan ayaa waxa uu noqon doonaa safarkii ugu horreeyey ee madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku socdaalo dhanka dhulka ah uu ku maro boqolaal KM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...