Dowladda Jabuuti oo 1 Milyen oo Dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Soobe

Date:

Deeqdani lacageed oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashey in lagu gar gaaro dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka,taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.

Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...