MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017 WAR SAXAAFADEED

Date:

MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017 WAR SAXAAFADEED

Maanta 20ka Nofeembar, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula dabaaldegaysaa adduunka intiisa kale xuska Maalinta Carruurta ee Caalamiga ah. Waxaanu is xusuusineynaa in 20kii Nofeembar, 1989 Golaha Qaramada Midoobay ay ansixiyeen Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC)

si ay u muujiyaan in dunidu ay aqbaleen in xuquuqda carruurta ay tahay xuquuqda bini’aadamka. Isla markaana ay xuquuqdoodu u qalanto in la difaaco oo ay kor u qaadaan dhammaan dawladaha adduunku.

Soomaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda caruurta 9-kii Maajo, 2002. Bishii Janaayo, 2015, waddanka Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u ansixiyay Heshiiska xuquuqda caruurta. Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku noqonaya iney diyaariso

warbixinta hordhaca ah labo sano ka dib markii la ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee xuuuqda caruurta.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ah Wasaaradda mas’uulka ka ah xuquuqda caruurta, ayaa ka hawlgashay isku duwidda howlaha laga hirgaliyay wasaaradaha safka hore iyo ururrada bulshada rayidka ah ee heerarka Federaalka iyo dawlad goboleedyadaba si looga helo macluumaad dhameystiran oo ku saabsan hirgalinta heshiiska xaquuqda caruurta oo lagu daro

warbixinta horudhaca ee heshiika xuquuqda caruurta.

Carruurta, dhalinyarada, waalidiinta iyo daryeelayaasha kale ee carruurta ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hannaanka isku soo aruurinta warbiximaha ku aadan hirgalinta heshiiska, waxayna bixiyeen macluumaad qiimo sare u leh warbixinta. Hannaanka qoraalka warbixinta horudhaca ah ayaa billaabatay

iyadoo laga tixgalinayo daneeyayaasha oo idil ugu dambaystana loo gudbinayo warbixinta Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta.

Hannaanka qorista warbixinta waxay siinaysaa ubad kasta oo Soomaali ah, dadka da’da yar, dadka waaweyn iyo dhammaan dowladda in ay isku hawlaan sidii ay u hubin lahaayeen in ilmo kasta oo Soomaaliya jooga uu awood u yeesho inuu ku raaxeysto xuquuqdiisa sida ku cad Heshiiska xuquuqda caruurta.

Waa hawl adag, laakiin si tartiib tartiib ah ayaan ku gaari karnaa tan.

Wasaaraddu waxay anbaqaaday talaabooyin ay ku soo bandhigayso, kuna hirgelinayso Heshiiska xuquuqda caruurta iyada oo la billaabay habka diyaarinta Sharciga Xuquuqda Carruurta ( Child Rigts Act), daahfurka hiigsiga hannaankaan ayaa wasaaraddu billowdey.

Dhammaan xilsidayaasha oo ay ugu horeyaan Waalidiinta, Mas’uuliyiinta  Dowladda iyo Dhammaan daneeyayaasha xuquuqda carruurta iyagana wuxuu u noqon doonaa habraaca ay ku ilaalin doonaan xuquuqdaas.

Mustaqbalka, marka ay dowladda Soomaaliya soo gudbiso warbixinno wakhti go’an ah oo ku saabsan hirgelinta Xeerka Xuquuqda Carruurta ayaa waxay abuuri doontaa qayb muhiim ah oo ku saabsan habka warbixinta.

gaar ahaan sanadkaan waxaan la dabaaldegaynaa dhammaan carruurta ku nool Soomaaliya, iyadoo ay jiraan caqabado laga soo gudbay iyo xaaladaha colaadaha , in ay noo cadahay in aan dhinac iska dhigi karno kala duwanaanshaheena aragtiyeed si aan uga shaqeyno daryeelka carruurta, WHHXA waxaa ka go’an meelmarinta xuquuqda ilmo kasta oo Soomaali ah, iyo in la hubiyo in ay gaaraan awoodooda buuxda mid waxbarasho, caafimaad, deegaan iyo bulsho.

Waxaan ku dhiiragelinaynaa warbaahinta iyo daneeyayaasha kale in ay si joogta ah u booqdaan bogagga warbaahinta bulshada ee WHHXA si loogu soo cusbooneysiiyo wixii horumar ah ee ku saabsan horumarinta xuquuqda ubadka.

Warbaahintu waa daneeyaha muhiimka ah ee nala wadaagay ka guulgaarida safarkaan lagu horumarinayo hirgalinta Heshiiska xuquuqda caruurta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa dhamaan qeybaha dowlada , bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga in loo midoobo hirgalinta heshiiska axdiga caruurta si ubadka soomaaliyeed beri ugu naaloodaan mustaqbal wanaagsan.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa intiis gacan naga siisay waajibaadkaan qaran.

Press Release – Maalinka Caruurta Aduunka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...