Dowladda Jabuuti oo 1 Milyen oo Dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Soobe(Sawirro)

Date:

Muqdisho(SONNA) Deeqdani lacageed oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashey in lagu gar gaaro dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka,taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.

Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...