R/wasaare Kheyre “Siddeed bilood ayaa wada shaqeyneynaa Madaxweyne Farmaajo wali isma khilaafin, waa Taariikh cusub”

Date:

Muqdisho (SONNA), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ka qeyb galay Caawa kulan loogu magac daray  Kacdoonka Nabadda oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarro Soomaaliyeed, kaasi oo loogu baroor diiqayey dadkii ku waxyeeloobay musiibaddii ka dhacday isgooyka 14ka Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa sidoo kale waxaa ka  qeyb galey masuuliyiin  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka tirsan, dhalinyaro iyo qaar kamid ah Ururada bulshada rayidka ah.

Qaar kamid ah kooxaha fanka, ayaa Munaasabadda ka qaaday heeso wadani ah oo u badnaa kuwa lagu baraarujinayo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradda oo ku saabsan siddii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadda  dalka iyo sidoo kale  iska xoreynta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, ayaa munsaabaddaasi ka sheegay in isbadal dhanka horumarka ah Soomaaliya ay hiigsaneyso, isagoo xusay in dhalinyararadda Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa dhalinyaraddii soo qaban qaabisay munaasabadda Kacdoonka Nabadda uga mahad celiyey doorkooda ku aadan Isxilqaanka ay muujiyeen, waxaana dhalinyaradda uu ku boggaadiyey sida ay u muujiyeen darreenkooda ku aadan musiibadii Zoobe iyo siddii ay uga fal celiyeen, waxaana uu carabaabay in Dhalinyaradda hadda ay usoo jiisteen midnimada dalka.

R/wasaare kheyre, ayaa sheegay in Xafiiska uu joogo muddo dhan Siddeed bilood isaga iyo Madaxweynahana wali  aysan is khilaafin, muranna uu soo kala dhex gelin, arrintaas ayuuna ku tilmaamay in ay tahay mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama horey ay u arki jireen Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo arrimo siyaasadeed isku haya.

Ugu dambeyntii R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in miisanada 2018 ee maanta Golaha wasiiradda XFS  ay ansixiyeen  markii ugu horreeysay lagu soo daray lacago loo qoondeeyey Tayeynta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Afka Soomaaliya, waxaana uu xusay in 2018 Dowladda ay dhisi doonto Akadheemiyad Afka Soomaaliga ugaar ah, laguna dhisi doono lacag shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in awoodda argagixisada la wiiqay kadib muddo labo sano oo howlgal xiriir ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...