Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

Date:

Muqdisho (SONNA), 14 November 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka , iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo furay shirka ayaa ku boggaadiyey dhinacyada heshiiska wada gaaray iney fuliyeen, si loo helo dastuur dhameystiran oo loo wada dhan yahay.

Mudane Khayre ayaa ku ammaanay Wasaaradda arrimaha dastuurka sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro dastuurka, isla markaana ay dhinacyada kala duwan ee ku howlan dib-u-eegista dastuurka u fududeyso gudasha waajibaadkooda.

Wasiirka Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeeya ay ka go’an tahay in howsha dib-u-eegista arrimaha dastuurka lagu dhameystiro waqtiga u qorsheysan iyo in ay xoogga saari doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa saddexda dhinac.

“Ujeeddada Heshiiskani waa in la qeexo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Dib-u-Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Heshiiskani wuxuu ku qeexan yahay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobada 133 iyo 134 iyo sharci lambar Lr. 119 ee 3dii bishii Luulyo 2013.”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo tilmaamay in guddigu uu kala shaqeyn doono Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxa-banaan sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

 

–DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....