Waiirka arrimaha dibadda XFS oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa shalay ku qabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya H.E. Mr. Qin Jian, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Safiirka China ee Soomaaliya Amb.Qin Jian ayaa sheegay in Xisbiga Shuuciga ee China “CPC” shirkoodii qaran ee 19,aad ee October qabsoomay lagu go’aamiyay in Xisbiga uu dadaal ku bixiyo nooc cusub oo xiriir caalami ah oo ku dhisan xushmad isdhaafsi, cadaalad iyo iskaashi faaido u leh labada dhinac, isagoo caddeeyay in China ay taageereyso dadaalka Soomaaliya ay ku ilaalinayso madax banaanideeda qaran, badbaadada dhulkeeda, nabaddeeda, ammaankeeda iyo horumarkeeda, isagoo muujiyay in dowladdiisu danaynayso weji cusub oo xiriir labada dal ay yeeshaan si loo xoojiyo howlaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar xmed ayaa yididiillo ballaaran ka muujiyay in xiriirka Soomaaliya-China uu galo waa cusub oo dana wadaag ah, isagoo boggaagiyay guulaha laga gaaray shirka Qaran ee 19,aad ee Xisbiga Shuuciga ee China “CPC”, waxa uuna ka mahadceliyay taageerada China ay u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in mashaariicdii China ee hore uga fulay Soomaaliya ee weli muuqda ay yihiin wax caddeyn ugu filan xiriirka saaxiibtinimo ee qotada dheer ee labada dal iyo labada shacab ay wadaagaan.

Kulankan oo ku dhammaaday jawi guul xambaarsan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mr. Shirwa Abdullahi Ibrahim iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...