Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib u dayactiray buundada Degmada Qoryooleey “SAWIRRO”

Date:

Qoryooleey (SONNA) – Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku guuleystay inay dib u dayactir ku sameeyaan buundada Degmada Qoryooleey, kaasi oo kalhore ay qarxiyeen maleeshiyada Al-Shabaab oo u jeedkoodu ahaa inay hakad geliyaan isu socodka gaadidka iyo dadweynah ee buunadada isticmaala, maadaama ay kala qeybsado buundada Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan ku-xigeenka Maaliyadda iyo Maamulka Degmada Qoryooleey ayaa xariga ka jiray buundada, kaasi oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Degmada Qoryooley Cabdi Axmed ayaa sheegay in dayactirka buundada uu in muddo ah socday maamulka Degmaduna uu gacan ka geystay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa buundada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali  Najax ayaa u mahadceliyay Maamulka Degmada iyo bulshada ku dhaqan Degmada Qoryooleey waxa uuna sheegay in argagixsada Shabaab  ay cadaw ku yihiiin horumarka bulshada.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo Masuliyiintii la socotay ayaa booqday isbitaalka Degmada Qoryooleey, isagoo kulan la qatay Maamulka Isbitaalka iyo howlwadeenada ka howlgalla, waxaana intaasi kaddib ay booqdeen suuqa weyn ee Degmada iyo waaxyaha ay Degmada ka koobantahay.

Maaamulka  Gobolka Sheblelaha Hoose ayaa Degmada Qoryooley waxa uu ka  hirgeliyay leerarka cadceedda ku shaqeeya, kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Degmada, waxaana Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Maamulka Degmada ay xilli habeen ah ku dhax socdeen gudaha magaalada  iyagoo ganacsatada ka  xog warestay xaaladaha Amni ee Degmada.

 

Maxamed Cali Cumar Jubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...