Ururka Haweenka Qaranka oo 50 Haween ah baray farsamada gacanta

Date:

Muqdisho (SONNA) – Ururka Haweenka Qaranka ayaa maanta tababbar u soo gabo gabeysay 50 haween ah oo la baray farsamada gacanta, gaar ahaan tolidda dharka, iyadoo munaasabaddii lagu soo gabo gabeynayay ay ka qeyb galeen xubno kala duwan iyo madaxda ururka.

Qaar ka mid ah haweenkii la baray farsamada gacanta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadaha la baray, sida tolidda dharka, ayna ku maareeyn doonaan noloshooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Marwo Madiino Maxamed Warsame oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in haweenka tababbarka loo soo xiray ay ka kala yimaadeen 17-ka degmo ee Gobolka iyo qaar ka mid ah xeryaha Barakacayaasha.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay inay joogteyn doonaan tababbarada gacanta ee la siinayo haweenka, si ay noloshooda u maareeyaan, waxaana ay dowladda Shiinaha uga mahadcelisay sida ay gacanta uga geysteen taaba gelinta tababbarka.

Tababbarka oo socday muddo afar bilood ah ayaa haweenkii ka faa’iideystay waxaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad, maadaama la siiyay xirfado ay ku shaqeysan karaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...