Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirada cusub ee Sweden iyo Austria

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare  ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo  kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...