Guddoomiye Jawaari oo booqday xarunta Al Azhar Al Shariif

Date:

Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowrkii maalin ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa maanta  tagay xarunta Al Azhar Al Shariif ee magaalada Qaahira, halkasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaatay Sheekhul Azharka dalka Masar oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka qeybna ka ah wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay u sii xoojin lahaayeen xiriirkooda wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee soo jireenka ah.

Shirka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Masar ay talooyin iyo qubaro dhinaca sharciga uga taageeri lahayd Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Sheekh Azharka Masar ay kaga wada hadleen arrimo u badan sidii Golaha looga taageeri lahaa dhanka sharciga.

“Maanta waxaan la kulanay Sheekh Azharka Masar oo aan ka wada hadalnay inay naga taageeraan dhanka sharciga, in sharciyada aan sameyneyno ay soo soo diraan quburo oo sharciga gacan naga siinaya, in tallooyin ay naga siiyaan sharciyada qaar ee lagu qarayo Carabiga, weyna naga aqbaleen, guddi ayaana loo xilsaaray oo arrintaasi ka soo shaqeyn doono” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir.

Cadnaan + Guudle

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...