Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo la kulmay Xildhibaanno ka yimid Turkiga

Date:

Guddoonka Aqalka Sare ee Dalka ayaa maanta la kulmay wefdi ka socda Baarlamaanka dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo sida loo xoojin lahaa.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.

“Guddoomiyaha Aqalka sare iyo wafdi la socday waxa ay tegeen xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay kula kulmeen wafdi Xildhibaanno ah oo ka yimid dalka Turkiga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta taageerada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, kaasi oo ku soo dhamaaday guul iyo isfaham” ayuu yiri Cali.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa xusay in Xildhibaanada ka yimid dalka Turkiga ay Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo gudbiyeen mahadcelin, waxaana ay ka codsadeen in wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha ay booqasho ku tegaan Dalka Turkiga.

“Guddoomiyaha ayay u soo gudbiyeen casuumaad ku aadan in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay soo booqdaan Dalka Turkiga, Guddoomiyihuna wuu ka aqbalay arrintaa in sanadkan gudiisa ay tegaan Dalka Turkiga, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac” ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...