Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo Garoowe gaaray

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdeen Wasiiradda Maaliyada Dowlad goboleedyada dalka ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyada ee Dowlad goboleedyada dalka ka jira ee wafdigiisa qeybta ah ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb gali doona shirweyne horumarinta Maaliyada Soomaaliya  lagu gorfeynayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa, isagoo sheegay in ay u yimaadeen Garoowe ka qeyb galka Shirweyne looga hadlayo horumarinta Maaliyada Soomaaliya iyo mideynta Canshuuraha dalka oo ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...