Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, sababtayna khasaare nafeed.

Wasaaraddu waxay cambaaraynaysaa falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah.

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso loogu baaqayo inay ka horumariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta Xasiloonida shacabka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo dhammaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda colaadeed, xoojinta wada hadalka iyo raadinta xal nabadeed oo waara si looga hortago in colaaddani sii fiddo.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo dhammaan intii ku geeriyootay dhacdadan murugada leh, dhaawacyadana u boogo-dhayo, shacabka ay dhibaatadu saameysayna ka dulqaado xaaladda murugsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...