Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya uga qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika (ICPPA 2026), kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Afrika, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, khubaro caafimaad iyo daneeyayaal kale.

Intii uu shirku socday, Wasiirka wasiirka ayaa ka qayb-galay dood looga cinwaankeedu ahaa “Abaabulka iyo Helitaanka Kheyraadka lagu Taageerayo Cudurrada Aan Faafin ee ka jira Dalalka Nugul iyo Goobaha ay Saameeyeen Xaaladaha Bani’aadannimo”, isagoo soo bandhigay xaaladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin waarta iyo iskaashi caalami ah si loo xoojiyo adeegyada la xiriira cudurrada aan faafin.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalalka wajahaya xaaladaha nuglaanta iyo bani’aadannimada ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay ula tacaalaan kororka cudurrada aan faafin, isla markaana loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo loo siman yahay dhammaan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...