Wafdiga Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Ee Ku Sugan New York (Sawirro)

Date:

Raysulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxda wadamo dhoowr ah oo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madaxkale oo aad u baddan.

Kulamadaan ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriiradda dawladahaas iyo Soomaaliya, iyadda oo siweyn loogu lafo garay kaalinta ugu haboon ee ay dowladahaasi kaga caawin karaan Soomaaliya dhinacyada Horumarka, Dhaqaalaha, Amaanka iyo Maamul wanaaga.
Raysulwasaare Xassan Cali Khayre oo uga warbixiyay madaxddii uu la kulmay halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax weyn iska badaleen,isla markaana ay ka soo kabanayso dhibaatooyinka mudada jiray.
Waxa uu Raysulwasaaruhu ka warbixiyay dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Nabad diidka iyo Qaswadayaasha  isaga oo sheegay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinaca amaanka isla markaana ay si dar dar leh ku wadaan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed si loo helo awood muuqata oo hanata gabi ahaan amniga Dalka.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madax sare oo ka socota dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.
Maalinta jimcaha ee nagu soo beegan ayaa lagu wadaa in Raysulwasaaruhu uu xarunta Qaramada Midoobay ka jeediyo qudbadiisii uu ugu talo galay sanadkan 2017  in uu ku soo bandhigo shirkan,taas oo noqonaysa midii ugu horeeysay ee Qaramada midoobay  uu ka jeediyo.
Raysulwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa Markii uu soo gaaray New York shirkiisii ugu horeeyay la qaatay Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka  ayaga oo ka wada hadlay xariirka labada dal.
Dhanka kale wasiirada ku wehliyay socdaalka Raysulwasaaraha ayaa sidoo kale dhankooda ka qeybgalayay shirar ay yeelanayaan wasiiro ka socda Dalalka ka qeybgalaya shirka iyo madax ka socta beesha caalamka waxaana socda Mowjado shirar ah oo ay dowladuhu isku dhaafsanayaan arimaha dalalkooda.
 
Deeqo Shire (SONNA)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...