Guddoomiyaha Aqalka sare oo dhallinyarada ugu baaqay Nabadeynta dalka

Date:

Guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabadda ka qeyb qaataan, maadaama ay maanta ku asteysantahay maalinta caalamiga ah ee Nabadda adduunka 21-ka september.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay gacan weyn ka geystaan Nabadeynta dalka, waxaana uu xusay in baaqa Nabadda ay qaataan maadaama maanta ay ku asteysantahay maalinta Nabadda Adduunka.

“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagantihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidantihiin colaad, ismuquunin iyo dilka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa ku daray “Barbaareey Barbaar caafimaadeey, baaqa nabadda soo raac, haddii aan bir jeex iyo geesiyaal ku soo bixin qabyo kama baxeysaan”.

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...