Ra’iisul Wasaare Khayre oo boggaadiyey Carwada Buugaagta ee Muqdisho lagu qabtay.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka iib saday buugaag ay qoreen dad kala duwan oo dhalinyaro u badan, wuxuuna ku dhiiragaliyey iney sii wadaan wax qorista.

Mudane khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. Wuxuna ammaan ballaaran u jeediyey ka soo qeyb galayaasha iyo qaban qaabiya-yaasha carwada.

Dadka ayaa iibsanayay buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta, waxayna isugu jiraan kuwa taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska , sidoo kale waxaa buugaagta ka mid ahaa kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...