Ra’iisul Wasaare Khayre oo boggaadiyey Carwada Buugaagta ee Muqdisho lagu qabtay.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka iib saday buugaag ay qoreen dad kala duwan oo dhalinyaro u badan, wuxuuna ku dhiiragaliyey iney sii wadaan wax qorista.

Mudane khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. Wuxuna ammaan ballaaran u jeediyey ka soo qeyb galayaasha iyo qaban qaabiya-yaasha carwada.

Dadka ayaa iibsanayay buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta, waxayna isugu jiraan kuwa taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska , sidoo kale waxaa buugaagta ka mid ahaa kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...