Jowhar oo lagu qabtay Siminaar la xiriira baahinta nidaamka Dowladdaha hoose

Date:

Muqdisho (SONNA):- Siminaarkan oo ku saabsanaa sidii bulshada loo gaarsiin lahaa nidaamka dowladaha Hoose, isla markaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada Hirshabeelle ayaa maanta la soo gabo gabeeyay, iyadoo diiradda lagu saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa nidaamka dowladaha Hoose.

 Guddoomie ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in sameynta goleyaasha deegaanka ay tahay mid muhiim  u ah nidaamka dowladnimo, isagoo xusay inay waxbadan ka barteen inta uu siminaarka socday.

Sheekh Xuseen Cismaan mar uu ka hadlayay arrinta ku aadan dhismaha goleyaasha deegaanka ayaa sheegay inay noqon doonaan kuwa iyaga dhexdooda iska soo dooranaya, isla markaana aysan jiri doonin qof kor laga keenayo.

Hirgelinta nidaamka dowladaha Hoose ayaa ah qorshe ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukumadda Soomaaliya ku dooneyso inay la dhameytiro hanaanka Federaalka ee ay qaadatay dowladda, si maamul goboleedyada looga hirgeliyo goleyasha deeegaanka oo ay noqoto mid ay iska soo doortaan dadka qofka ay rabaan in u matalo golaha deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...