Tababbar ku saabsan Xiriirka deeq bixiyaasha oo ka furmay Muqdisho

Date:

Tababbarka ayaa ku saabsan xiriirka deeqa bixiyeyaasha dowladda Soomaaliya kaasi oo loo qabtay Wasaaradaha iyo Hey’addaha fuliya mashaariicda Bankiga Adduunka Soomaaliya ku bixiyo, iyadoo furitaanka tababbarka ay goob joogka ahaayeen Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowlaha Xafiiska RW, mas’uuliyiin Bankiga Adduunka ka socotay iyo xubno kale.

Puteri Watson oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo halkaas ku soo bandhigtay warbixin ku aadan howlaha Bankiga Adduunka ka qabto Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya isbedel balaaran ka sameysay hannaanka Maaliyadda dalka sanadihii u dambeeyay.

Tababbarka oo labo maalin socon doona ayaa waxaa sharxay Cali Xaaji Aadan oo ah isku duba ridaha barnaamijyada Bankiga Adduunka ee Soomaliya oo sheegay in barnaamijkan uu wax badan ku soo kordhin doono hanaanka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowladda.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa dhankiisa xusay in dowladda ay ka go’an tahay helidda hannaan Maaliyadeed oo lagu kalsoon yahay.

C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo furitaanka tababbarkan ka hadlay ayaa u mahadceliyay hey’adihii ka shaqeeyay in Soomaaliya ay noqoto dal la aamini karo hanaankiisa maaliyadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...