Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Masar labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday oo ay weheliyaan Madaxweyinihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar Mudane Cabdi Qani Maxamed Wacays ayaa habeennimadii xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas Masar.

Khudbad uu goobta ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlay caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada xiriirka ahaa ay ku bixiyeen madaxdii ka horraysay sidii looga bixi lahaa bur burka ku dhacay qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha kale ee wiiqay dowladnimada ay ka mid tahay qabyaaladda, musaq maasuqa iyo caddaalad darrada kuwaas oo dhammaantood sababay niyad jab ku dhaca dhallinyarada oo ku dhaliya in ay ka tahriibaan dalka.

“ Dadkeenna oo gacmaha isqabsada, si wada jir ah u wada shaqeeya, dowlad wanaagna aan la immaano, kuwa magaca diinteenna halleeyey aan la dagaalanno, waxa ay Soomaaliya noqonaysaa dal laga haybaysto, dadka wax maal-gashadayaashana ay kusoo hirtaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadnaqay dowladda iyo shacabka Masar sida diirran ee ay ugu marti galiyeen dalkaas isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in booqashooyinkaan ay kuu muujinaayaan maqaamka iyo danaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...