Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Masar labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday oo ay weheliyaan Madaxweyinihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar Mudane Cabdi Qani Maxamed Wacays ayaa habeennimadii xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas Masar.

Khudbad uu goobta ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlay caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada xiriirka ahaa ay ku bixiyeen madaxdii ka horraysay sidii looga bixi lahaa bur burka ku dhacay qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha kale ee wiiqay dowladnimada ay ka mid tahay qabyaaladda, musaq maasuqa iyo caddaalad darrada kuwaas oo dhammaantood sababay niyad jab ku dhaca dhallinyarada oo ku dhaliya in ay ka tahriibaan dalka.

“ Dadkeenna oo gacmaha isqabsada, si wada jir ah u wada shaqeeya, dowlad wanaagna aan la immaano, kuwa magaca diinteenna halleeyey aan la dagaalanno, waxa ay Soomaaliya noqonaysaa dal laga haybaysto, dadka wax maal-gashadayaashana ay kusoo hirtaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadnaqay dowladda iyo shacabka Masar sida diirran ee ay ugu marti galiyeen dalkaas isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in booqashooyinkaan ay kuu muujinaayaan maqaamka iyo danaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...