Shir looga hadlayay Amniga Dalka ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Somaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Shirka ayaa waxaa qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Qaranka waxaana ka qayb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaasha Ciidanka Amaanka, hay.ada Socdaalka iyo jinsiyada,Wasaaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada. Iyo diblu Maasiyiin ka socday Beesha Caalamka.

Waxaa shirka oo uu shir gudoominayay wasiirka amniga looga hadlay qorshaha amniga Somalia ilaa 2020 ka iyo wadooyinka loo marayo.

Xubnaha ka socday dowlad goboleedyada ayaa shirka ka soo jeediyay in ay muhiim tahay in ciidamo boolis ah laga hirgaliyo goblada oo dhan si amniga loo sii xoojiyo.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique lorenzo ayaa muujisay sida Beesha Caalamka ay uga go.antahay in Dowladda Soomaliya Amniga gacan laga siiyo isla markaana laga shaqeyo in shir weyn oo la qaban doono bisha December la diyaariyo qodobadii lala tagi lahaa.

Wasiirka amniga dowladda federaalka Somalia Mudane Mohamed Abukar Islow ayaa Tv.ga Qaranka uga warbixiyay muhiimada shika uu maanta furay isagoo xusay in shirka xiga la qaban doono  23 bisha soo socota.

“Waxaan diyaarinay qorshaha siyaasada Amniga Qaranka waxaa wasaaradda ka go.an in Amniga la hormariyo waan uga mahad celinaynaa Beesha Caalamka sida ay nooga caawineyso dib u dhiska hay.adaha Amaanka Dalka.

Waa kulan qayb ka ah wada shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyadoo horay sidaan oo kale wasaaradaha qaar ay u qabteen shirar looga hadlayay u Adeegida bulshada Dowladda Soomaaliya iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda Caalamka ayay dhawaanahaanba waxaa ay waday dadaalo lagu Xoojinayo hay’adaha Amniga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Howlgal Qorsheysan oo Lagu Bartilmaameedsaday Argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay Geerida ku Timid Fannaan C/laahi Boqol

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...